Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo doon ay kula degtay Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex ruux ayaa geeriyootay, halka 13 kalena la waayey, kadib markii doon ay la socdeen oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga ay ku degtay xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay QM.

Hay’adda muhaajiriinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM ayaa xaqiijisay in 22 ruux oo ka mid ah dadkaasi ay bad-badeen.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in dhalasho ahaan ay ka soo kala jeedeen dalalka Syria iyo Ghana, iyadoo laga walaacsan yahay in dadka kale ay dhinteen.

Labo iyo laabatanka ruux ee ka bad-baaday doonidaasi qalibantay ayaa sidoo kale ka soo jeeda kala wadamada Masar, Bangladesh Iitoobiya, Niger, Somalia, Syria iyo Ghana.

Ururka muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ayaa dadka bad-baaday u qaaday xero lagu hayo dadka qaxootiga ah oo ku taala dalka Liibiya.

Waa doontii labaad oo waday muhaajiriin ku sii jeeday dalka Talyaaniga oo isla bishan September ku degta xeebaha Liibiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this