Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilo Wareedyo: Kheyre oo Laga Diiday Codsiga ah Inuu Xilka Ku Wareejiyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ku saabsan qabanqaabada xafladda xilka loogu wareejinayo ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Rooble ayaa sheegaya in la diiday codsiga uu soo gudbiyey ra’isul wasaarihii la ceyriyey Xasan Kheyre.

Xubno ka mid ah guddiga qaban-qaabada ayaa sheegaya in Mahdi Guuleed uu xilka ku wareejin doono ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Rooble.

Kheyre saacadihii tagay qoraal uu u diray Maxamed Rooble codsaday inuu isaga xilka ku wareejiyo balse sida muuqata waa laga diiday codsigaasi.

Waxaan ilaa hadda la ogeyn waxa uu wareejin doonno xilli xukuumadda laga sugayo ilaa 3 xisaab xir oo miisaaniyado ah halka shaqada wasiirrada ay qabanayeen tubo iyo xafiisyo hoos tagi jiray Kheyre.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this