Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo markale dad rayid ah ka kaxeystay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay markale dad shacab ah ka kaxeysteen duleedka degmada Ceelwaaq.

Inta la xaqiijiyey illaa afar ruux ayey ciidamadu ka kaxeysteen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga magaaladaasi, lamana oga halka ay la aadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada watay dadkaasi shacabka ah ay yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano argagixiso la dirirka.

Ehellada afarta qof ee la watay ayaa haatan wada baad-goob, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdifitaax Diiriye Qorane, Cabdullaahi Cali Dhicis iyo Maxamed Ibraahim Afey.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dalka Kenya ay saddex ruux ka wateen duleedka degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay markii dambe toogasho ku dileen, waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka dhacay gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this