Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa xilka ku wareejinayo maanta Ra’iisul wasaaraha cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah xilka ula wareego, kadib markii uu dhowaan codka kalsoonida ah ka helay golaha shacabka.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhaceysa xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyada oo lagu war-geliyey dhammaan golaha wasiirada ee xilka sii haya, si ay uga soo qeyb-galaan.

Dood adag ayaa ka taagneyd cida xilka ku wareejineyso ra’iisul wasaaraha cusub, maadaama uu xilkaas is KMG u hayey Mahdi Maxamed Guuleed, sidoo kalena uu Muqdisho ku sugan yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, kana mid ah guddiga uu Mahdi Guleed u magacaabay munaasabadda xil wareejinta ayaa shaacisay in ku simaha uu xilka ku wareejin doono Ra’iisul wasaaraha cusub.

“27/9/2020 Siihayaha xilka Pm.ka Mud.Mahdi M Guuleed ayaa Xilka ku Wareejinaaya Ra’iisul-Wasaaraha Cusub Mud.Rooble INSHAA ALLAAHU.” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye, kadib war qoraal ah oo ka soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Fecebook-ga.

120296813_649751852344537_64857153863028

Arrintan ayaa meesha ka saareysa warqad uu si toos ah Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ugu diray Ra’iisul wasaaraha cusub, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda Sare, taasi oo u uku sheegay inay tahay in isaga uu xilka ku wareejiyo taasina ay tahay sifada sharciga ah.

Dhacdadaan siyaasadeed ayaa noqoneyso tii ugu horreysay oo uu Ra’iisul wasaare xilka kala wareego Ra’iisul wasaare ku xigeen, iyadoo uu joogo R/wasaarihii xilka kaga horreeyey.

The post Yaa xilka ku wareejinayo maanta Ra'iisul wasaaraha cusub? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this