Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Kenyan ah oo gaaray goobihii ay kula dagaaleen ciidamada DF kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee degmooyinka Beladxaawo iyo Mandheera ayaa soo sheegaya in mas’uuliyiin ka socda Mandheera ay galabta tageen goobihii maanta lagu dagaalamay.

Wafdigaan ka socdo Kenya ayaa waxaa hogaaminayay duqa magaalada Mandheera Cali Roobow iyo mas’uuliyiin kale waxayna la hadleen maamulka degmada Beladxaawo iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ka socda Kenya ayaa kuwa Soomaalida ka dalbaday in la joojiyo wax kasta oo abuuri kara isku dhac dambe, iyagoo dhinaca kale raali gelin ka bixiyay dadkii ay ciidamada Kenya dileen.

“Annaga waxaa nahay Soomaali, xageyna dhib ma idinkaga imaan doono wixii dhibaato ah oo ay geesteen Milateriga Kenyane raali kama nihin mana ka yeeli doono,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Roobow oo la hadlay masuuliyiinta Soomaalida.

Qof kamid ah maamulka degmada Beladxaawo oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in caawa ay dagan tahay xaaladda goobihii lagu dagaalamay waxaana wali aaggi lagu dagaalamay ka maqan Milaterigii Kenya oo maanta ka baxay.

Wali waxaa jirta cabsi iyo walaac ay qabaan dadka degaanka iyadoo ay sii kordheyso carada dadweynaha taas oo ka dhalatay dadkii ay leeyeen Milateriga Kenya.

Hoos ka dhageyso codka qof ka mid ah dadka deegaanka 

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/Cabdifitax-Cabdiraxmaan-Ibraahim-.mp3

The post Wafdi Kenyan ah oo gaaray goobihii ay kula dagaaleen ciidamada DF kadibna... first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this