Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo Muqdisho ku qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir ayaa howl-gallo ay sameeyeen waxa ay sheegeen inay ku soo qabteen xubin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ay tilmaameen in uu waday fal amaanka lidi ku ah, islamarkaana uu doonayey inuu ka fuliyo Dayniile.

Sarakiisha amniga ayaa xusay in gacanta lagu dhigay ninkaasi oo ay magaciisa ku sheegeen, Maxamed Xasan Cali oo doonayey inuu rido Hoobiye.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in shaqsigaasi dhawaan la horgeeni doono caddaaladda.

Sidoo kale wuxuu ammaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka Soomaaliya  ee ka hortagay falkaasi.

”Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay Shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dadka ka shaqeynayo falalka amni darro” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax).

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamaa dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo ee amniga ee ka socda magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

120255199_3574394525954647_6696716820677761085_n 120233915_3574394509287982_1560547494489893417_n-1

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this