Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: K/ Galbeed iyo Puntland oo heshiis ku gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

119976553_1011915752555278_7750398999536 119986271_1011915279221992_1921639613475 119993888_1011915289221991_5359424463624 120005496_1011916002555253_3518410054862 120064479_1011916019221918_4006179573174 120073143_1011915329221987_9861281523503 120090487_1011915895888597_1213837185187 120108002_1011915925888594_1561122308967 120131877_1011915899221930_7593018029641 120193263_1011915829221937_6714477282650

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this