Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo labo ruux ku toogtay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku toogtay labo ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin ama jawaasiis, sida ay hadalka u dhigeen.

Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa maxkamad hoostagta Al-Shabaab ay sheegtay inay u shaqeynayeen sirdoonada Soomaaliya iyo AMISOM.

Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa laga qabtay deegaanka Burdheere ee gobolka Hiiraan, isaga oo Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ku sugan Jalalaqsi.

Sidoo kale eedaysanaha labaad ee lagu toogtay deegaanka Buq-Aqable oo lagu magacaabi jiray, Cabaas Maxamed Cismaan ayaa laga qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan, waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidanka nabad-sugida Beledweyne.

Fagaaraha lagu toogtay shaqsiyaadkaasi oo ku yaalla deegaanka Buq-Aqable ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne iyo sidoo kale xubno ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fuliso xukuno kala duwan oo u badan dilal toogasho ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this