Deeq A. Posted September 26, 2020 Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku toogtay labo ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin ama jawaasiis, sida ay hadalka u dhigeen. Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa maxkamad hoostagta Al-Shabaab ay sheegtay inay u shaqeynayeen sirdoonada Soomaaliya iyo AMISOM. Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa laga qabtay deegaanka Burdheere ee gobolka Hiiraan, isaga oo Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ku sugan Jalalaqsi. Sidoo kale eedaysanaha labaad ee lagu toogtay deegaanka Buq-Aqable oo lagu magacaabi jiray, Cabaas Maxamed Cismaan ayaa laga qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan, waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidanka nabad-sugida Beledweyne. Fagaaraha lagu toogtay shaqsiyaadkaasi oo ku yaalla deegaanka Buq-Aqable ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne iyo sidoo kale xubno ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fuliso xukuno kala duwan oo u badan dilal toogasho ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites