Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Koonfur Galbeed oo heshiis ku gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay ka qeybgalay xaflad soo dhowayn ah oo isaga iyo wefdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay, waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wefdigiisa.

Hoos ka eeg Muuqaalka iyo Sawirada

11-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 9-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 10-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Koonfur Galbeed oo heshiis ku gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this