Kamaavi Posted March 11, 2010 Islaan u dhalatay dalka Shiinaha islamarkaana boqolkii kor u dhaaftay ayaa waxaa dhafoorkeeda kasoo baxay gees, kaasoo cabsi ku abuuray familkeeda oo xiriir la sameeyay dhakhaatiirta si loo baaro. Zhang Ruifang oo islaantan magaceeda ah ayaanan wax xanuun ah dareemin markii uu geeskani kasoo baxayay mudo sanad ka hor, waxaana ay sheegtay in uu korayay maalinba maalinta ka dambeysa. Cabirka geeskan ayaa iminka maraya dhererkiisu 6-centimeter, waxaana uu u muuqdaa mid ay wali koriinsho u dhiman tahay. Wiilasha islaantan oo kala jira 80 iyo 60 sano ayaa aad uga wal-walsanaa geesaha kasoo baxay hooyadood, waxaana ay sheegeen in ay markoodii hore ku bilowdeen qaab nabar oo kale ah. Dhakhaatiirtii loo geeyay islaantan ayaa sheegay in geeskani yahay gees maqaareed (Cornu Cutaneum), kasoo ka soo baxa dadka da`da ah mararka qaar. Geesana dhafoorka kasoo baxa ee muuqaalka dadka bini`aadamka ah leh ayaa waxaa lagu mitaalaa in ay yihiin kuwa sheydaanka. Photo link Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nin-Yaaban Posted March 11, 2010 LoL hadii aan sawirkaas ku qoslo aakhiro danbi ma ilee heesta? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted March 11, 2010 Some old chines woman sprouts a horn and yet Ngonge manages to hide his. Quote Share this post Link to post Share on other sites