Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa Cunsuri…” Ilhaan Cumar Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Donald Trump oo ay ugu yeedhay cunsuri kadib markii uu habeen hore weerar ku qaaday.

“Madaxweynaha wuxuu si cad u jecel yahay inuu ka faa’iideysto cabsida dadka. Wuxuu faafinayaa cudur naceyb ah meel kasta oo uu tago, waxaana isu soo baxyada uu qabanayo dhiiri-geliya cabsi,” ayey tidhi Ilhaan oo la hadashay CNN oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay.

“Waa cunsuri, sababtoo ah kama soo horjeedo soo-galootiga ee wuxuu kasoo horjeeda dadka aniga ii eeg,” ayey tidhi Ilhaan Cumar.

“Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayuu Trump yidhi habeenkii salaasad isaga oo weeraraya Ilhaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in weerarada Trump ay noqdeen kuwa qaabeynaya muuqaalka dadka Mareykanka, taasina ay tahay ceeb weyn.

Waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha ee dhaceysa November ay noqon doonto mid dadka fursad u siisa inay jawaabaan. “Tani ma ahan wax aan nahay, tani ma ahan mabaadi’ida dadkii aas-aasay dalkan, tanina ma ahan sida aan dooneyno inuu dalkeena noqdo,” ayey tidhi.

Ilhaan Cumar oo sidoo kale isla habeenkii salaasad ka jawaabtay weerarka cusub ee uga yimid Trump, ayaa tidhi “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tidhi Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka.

“Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this