Deeq A. Posted September 23, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wafdiga madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyey madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo mas’uuliyiin maamulkiisa ah iyo bulshada Baydhabo. Madaxweyne Deni ayaa booqashadiisa Baydhabo ku micneeyey, sidii Puntland ay wadashaqeyn dhow ula lahaan laheyd maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu intaas ku daray in uu marar badan imaan doono Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites