Deeq A. Posted September 23, 2020 Ra’iisul Wasaaraha cusub oo hadal ka horjeediyay Golaha Shacabka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ballan-qaadyo ka horsameeyay Baarlamaanka Soomaaliya oo weydiisanayay codka kalsoonida. Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal kooban jeediyay intaan la ansixin ka hor ayaa sheegay in howlaha ugu horreeya oo mudnaanta siin doono ay yihiin siddeed arrimood oo kala ah.1. Arrimaha amniga2. Arrimaha doorashooyinka3. Horumarinta dhaqaalaha iyo adeega bulshada4. Caddaaladda iyo garsoorka5. Dowlad wadaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa6. Dib u eegista dartuurka7. Dhab u heshiisiinta8. Iskaashiga caalamiga ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa tilmaamay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka fulisa hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble oo codka kalsoonida helay ayaa haysta wakhti aad u yar oo billo ah, waxaana kor yaalla shaqo ballaaran oo ay kamid tahay fulinta heshiiskii Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muxuu ballan-qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites