Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal markale ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka markale ka dhacay gudaha deegaanka Miirdugul oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuuxuu u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal qaraar oo muddo qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka kadib ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Miirdugul ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac uu ka dhashay khasaare lixaad leh.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen garoonka magaaladaasi, waxaana taas ay keentay howl-gallada ay wadaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

The post Dagaal markale ka dhacay duleedka Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this