Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabelaha Hoose waxa sheegeen inay ku soo qabteen qaraxyo miino oo Al-Shabaab ay ku diyaariyeen duleedka deegaankaasi.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen duleedka Bariire lagu soo qabtay qaraxyadaasi, oo uu tilmaamay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalkaasi lagu dilay illaa13 xubnood oo ka tirsan  dagaalayahanada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada milatariga Soomaaliya ay isku fidiyeen tuulooyinka hoos yimada deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this