Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo masaafuriyey muwaadin Soomaali ah+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in dalkeeda ay ka soo masaafurisay nin ka soo jeeda Soomaaliya oo la sheegay inuu taageero siin jiray Xarakada Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu gacan saar la lahaa Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Waaxda socdaalka ee dalka mareykanka ayaa xustay in sharciga dalkooda ay ka qaadeen shaqsigaasi oo sanadkii 2016-kii ay maxkamad ku taala dalkaasi ku eedeeysay inuu si weyn u caawin jiray Al-Shabaab.

Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 ayey hay,adda socdaalka markii ugu horeysay ku qabatay magaalada Chicago ee dalkaasi, kadibna dacwad lagu soo oogay.

Intii u dhexeysay sanadihii 2008 iyo 2012 ayaa xaashi lagu eedeeyay in uu ahaa xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo markii dambe loo gacan geliyey dowladda Mareykanka oo geysay maxkamad heer degmo ah oo ku taala magaalada New York.

Ninkaasi ayaa markii dambe qirtay in Al-Shabaab uu siin jiray taageero agab iyadoo sanadkii 2016 maxkamad ku taala dalkaasi ay ku riday xakun xabsi oo 9 sano ah.

Booliiska dalka Mareykanka ayaa marar badan gacanta ugu dhigay dhalinyaro ka soo jeeda SoomAaliya oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Daacish iyo Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this