Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan kale oo caawa lagu dilay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in caawa bartamaha magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas.

Koox hubeysan ayaa magaalada ku dhex toogatay Allaha u naxariistee Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ahaa baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Xildhibaanka ayaa xilligii la dilayey waxa uu ka soo baxay masjid uu ku soo dukaday salaadii Cishaha oo ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar.

Dableydii geysatay dilka Xildhibaanka ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana inta badan xaafadaha magaalada ka bilaawday howlgallo ay sameynayaan ciidamada booliska Hir-Shabeelle ee ka howlgala magaalada Jowhar.

Howlgalladan ayaa lagu baacsanayaa kooxdii geysatay dilka xildhibaanka, welina ma jirto cid loo soo qabtay.

17-kii bishii aan soo dhaafnay ee Agoosto, xilligan oo kale ayaa magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha Hir-shabelle Cabdiqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas.

Allaha u naxariistee Kaaraani oo dilkiisa ay ka soo wareegatay 30-cisho ayaa la toogtay xilli sidaan oo kale uu uga soo baxay salaadii Cishaha masjid ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, welina ma jirto cid loo soo qabtay dilkiisa.

The post Xildhibaan kale oo caawa lagu dilay magaalada Jowhar first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this