Sign in to follow this  
Deeq A.

In Ka Badan 200 Oo Maxbuus Oo Ka Baxsaday Xabsi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moroto)-In ka badan 200 oo maxaabiis ah ayaa waxa ay ka baxsadeen xabsigii lagu hayay ee ku yaalla magaalada Moroto, ee waqooyi bari waddanka Uganda.

Maxaabiista ayaa waxa ay toogteen oo ay khaarajiyeen askari iskudayay inuu hor istaago, ka hor inta aanay u jihaysan dhinacaas iyo buuraha ku xeeran magaalada.

Maxaabiista ayaa la sheegayaa inay la baxsadeen 15 qori iyo rasaas, Xabsiga ayaa waxa uu ka dhisanyahay dhul dhaca buurta Moroto ee ku taalla bannaanka magaalada.

Ciidammada asluubta iyo millateriga ayaa waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan maxaabiistaasi baxsadka ah.

Afhayeen u hadlay millateriga ayaa waxa uu sheegay in weli ay ku daba jiraan maxaabiistaasi baxsadka ah, waxa uuna intaasi ku daray inay laba qof nolol ku qabteen halka laba kalana ay dileen.

Warbaahinta gudaha ayaa waxa ay ku warramaysaa in israsaasaynta u dhaxaysay maxaabiista baxsadka ah iyo askarta ayaa waxa ay sababtay inuu istaago ganacsigii magaalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this