Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo ka warbixiyey xaaladda degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Abshir Kaaraan oo la hadlayay warbaahinta Shabelle ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee degmadaasi.

Abshir Kaaraan ayaa sheegay in haatan amniga degmada uu wanaagsan yahay, islamarkaana ay  howl-gallo ka sameeyaan ciidamada ammaanka ee Kaaraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada ay ku tallaabsatay horumar ganacsiga, isla markaana ay ganacsatadu heleen jawi u suurta galinaya inay si xor ah u ganacsadaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha canshuuraha, wuxuuna tilmaamay in dadku aysan wada fahansaneen muhiimadda ay leedahay bixinta lacaga canshuuraha oo uu xusay in ay tahay faa’iido dib ugu soo laabaneyso bulshada.

Kaaraan waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu bulshada badan gobolka Banaadir, waxaana ku yaalla suuq ay ku xiran yihiin shacab fara badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this