Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa lagu beegsanayaa weerarada uu Mareykanka ka fulinayo gudaha Kenya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa iney bilaawdo duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysaneyso gudaha Kenya iyadoo la beegsanaayo dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Col. Christopher P. Karns oo ah afhayeenka guud ee taliska Mareykanka ayaa sheegay in qorshahooda ugu weyn uu yahay iney culeys dhan walba ah saaraan kooxda argagixisada ay ugu yeereen iyadoo la xoojinaayo dagaal dhinac kasta looga qaado, sidoo kalana aad loola socdo dhaq-dhaqaaqooda.

Inkastoo aan wali la shaacin hadana saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in dowladda Kenya ay durba ogolaatay in duqeymaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab laga fuliyo dhulka baadiyaha ah ee magalooyinka Garis iyo gobolka Lamu, waana dhul isku xira saldhigga ciidanka cirka ee Manda Bay iyo gobolka xadka la leh wadanka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa codsatay in la ballaariyo baacsiga Al-Shabaab maadaama ay dhibaato ku hayaan dadkooda, sidoo kalana ay dhibaatooyin ka geystaan qaar ka mid ah goboolada u dhaw xuduudda labada wadan.

Uhurru Kenyatta ayaa ka codsaday dhigiisa Donald Trump in laga caawiyo la dagaalnka kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada.

Muddo ka badan 10-sanadood taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika wuxuu duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ka fulinayaa gudaha Soomaaliya, waxaana la qaaday hawlgallo badna oo lagu beegsaday saraakiil sare inkastoo ay jirto waxyeello soo gaarta dadka shacabka ah.

The post Yaa lagu beegsanayaa weerarada uu Mareykanka ka fulinayo gudaha Kenya? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this