Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Waare iyo Lafta Gareen

Recommended Posts

Deeq A.   
lafta-waaee.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa hoygiisa ku qaabilay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ay la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.

Waare iyo Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday Magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo ay la qaadayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, siyaasiyiin, Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo xubno kale.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale  kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xiriirka Maamulada iyo Arrimaha Siyaasadda Dalka.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Waare iyo Lafta Gareen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this