Sign in to follow this  
Deeq A.

“Foolxumo Ka Weyni Ma Jirto In Nin Wasiir Ah Oo Xukuumada Ka Tirsani Intuu Warbaahinta Soo Hor Fadhiisto Uu Aflagaado Iyo Xajiimayn Hawada U Mariyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Qaranka…” Wasiir Ku-xigeenkii Hore Ee Qorsheynta.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kaysar Maxamed Wasiir Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta ayaa naqdiyay eedaymo uu wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland u jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta ayaa yidhi “Foolxumo ka weyni ma jirto in Nin Wasiir ah oo Xukuumada ka tirsani intuu Warbaahinta soo hor fadhiisto uu aflagaado iyo xajiimayn hawada u mariyo Madaxweyne ku Xigeenkii Qaranka ee isaga xukuma oo Kursiga ku fadhiya Codka Shacbiga reer Somaliland oo la mid ah Codka uu Madaxweynuhu ku fadhiyo Kursiga.

Ummada reer Somaliland waxay eegaysaa Talaabada uu Madaxweynuhu ka qaado Wasiirkiisaa dar-jiidhay ee hilmaansan in Madaxweyne ku Xigeenku uu huwan yahay karaamada Ummada oo uu ku fadhiyo Codka Shacbiga reer Somaliland”. Kaysar Maxamed Wasiir Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this