Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mursal oo kulamo siyaasadeed ka bilaabay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay kulamo siyaasadeed dhankiisa ka bilaabay gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna la kulmay Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo K/ Galbeed Somalia.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiye Mursal ayaa ahaa mid is xog-wareysi ah oo uu la yeeshay Lafta Gareen iyo Waare oo Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2020-la, si xal mideysan looga gaaro.

Mursal oo aan horey qeyb uga aheyn shirarka Muqdisho ayaa haatan ku soo biiray is-muujinta siyaasadeed ee ay wadaan dhinacyada siyaasadda ee ku sugan caasimada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana weli jira is jiid-jiid u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar oo isku haya doorashada soo socota.

Si kasbataba ha’ahaatee shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho oo isha lagu wada-hayo ayaa la filayaa in go’aan mideysan looga gaaro xaaladaha siyaasadeed iyo doorashooyinka.

mursal-iyo-lafta-696x464-1.jpg mursal-iyo-lafta1.jpg mursal-iyo-lafta2.jpg

The post Sawirro: Mursal oo kulamo siyaasadeed ka bilaabay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this