Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Lacago Cusub Oo Dalkaasi Yeelanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa shalay soo bandhigtay lacago cusub oo dhawaan dalkaasi laga hirgalinayo.

Lacagtan ayaa ka kooban 10 birr, 50 birr iyo 100 birr, sidoo kale waxaa markii u horreysay lagu soo daray lacagta Itoobiya 200 birr oo hal warqad ah.

Itoobiya ayaa sheegtay in lacagtan cusub ay wax katari doonto lacagaha foojariga ah ee aan sharciga ahayn iyo ganacsiga sharci-darrada ah.

Lacagta Itoobiya ee haatan loo yaqaano Birr ayaa dhawr jeer is badal lagu sameeyo, inta la xasuusan yahay wakhtigii Xayle selaase lacagta Itoobiya waxaa loogu yeedhi jiray Ethiopian Dollar, kaddib ayaa loo bixiyay Birr.

Wakhtigii Malas zenawi ayaa haddana labadalay, waxaana laga saaray khariidada dalka Eritariya oo lasocotay khariidada guud ee dalka Itoobiya ee lacagta ku sawirnaan jirtay, sidoo kalena midabka ayaa wax laga badalay.

Imika iyo haatan lacagta Itoobiya wax badan ayaa laga badalay, iyadoo sidoo kale lagusoo kordhiyay lacagta 200 birr oo hal warqad ah oo aan hore u jirin.

lacagtan ayaa la filayaa inay dalkaasi ku baahdo maalmaha soo socda, iyadoo lacagaha waawayn loo qabtay in muddo 1 bil ah lagu badalo, iyadoo si guudna badalku u socon doono muddo 3 bilood ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this