Sign in to follow this  
SayidSomal

I don't like coming here ...... but .....

Recommended Posts

Aasiya-150x150.jpgAasiya Faarax Xasan oo u sharaxan Jagada Raysal....

Iyadoo ay dadweynaha Soomaaliyeed isha ku hayaan cidda uu u xulan doono Shiikh Shariif Shiikh Axmed booskii uu baneeyey Cumar C/rashiid ayaa waxaa ay Aasiya Faarax Xasan oo ah aqoonyahanad soomaaliyeed kuna Nool dalka Jarmalka ay si rasmiya u shaacisey in ay u Sharaxantahay Raysal Wasaaraha Soomaliya.

 

Aasiya Farax oo noqonaysa Gabadhii ugu horeysey ee Soomaaliyeed iskuna sharaxda Jagada Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa mar ay ka hadleysey arimaha ku dhaliyey in ay Xilkaas u Orodo ayaa waxaa ay tidhi” Kadib markii aan arkay dhibaatooyinka badan ee ka taagan Somalia waxaan garwaaqsaday inaan wax ka bedeli karo, xirfad iyo aqoona ku biirin karo bulshada soomaliyeed.

“Waxaan aqoon dheeraada u leeyahay xidhiidhka EU iyo isku xidhka caalamiga.

Taas oo ii suurto gelin karta inaan noqdo buundo isku xidha Europe iyo Somalia, kana shaqeeyo sidii loo baabi`in lahaa khaladka badan ee europe ka fahamtay ummada soomaliyeed.

 

Aasiya waxaa ay Dugsiga hoose ee Xaawo Taako (Muqdisho)waxaa ay Sanadkii 1983 u guurtey wadanka Jarmalka, iyadoo halkaas waxbarashadeedii ka sii watay,waxaanna ay Dugsiga dhexe iyo kan sareba kaga baxdey Berlin – Germany (Dugsiga dhexe 44.Oberschule,Berlin-Lichtenberg) Dugsiga Sare Paul Österreich Berlin-Weissensee.

 

Waxay Jaamacada ka gashey isla dalkaas: Technische Universität Berlin TU.waxaana ay ka qaadatey Shahaadada Master digree: Poltical science iyo Social Pedagogy. Waxay ka soo shaqaysey Wasaarada arimaha debeda ee Jarmalka qaybta xidhiidhka caalamiga iyo Jaamcada Berlin TU, waxayna masuul ka ahayd qaybta xidhiidhka caalamka sadexaad, iyadoo haatana ka shaqeysa Wasaarada Cadaalada ee Germany, qaybta arimaha bulshada….

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this