Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha xisbiyada oo si adag u dhaliishay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan magacaabis la’aanta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Qoraalkan ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), waxaana madashu ay sheegtay in Madaxweynuhu dalka ku wado kali-talisnimo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madashu waxay u aragtaa in Madaxweynuhu si sharci darro ah u magacaabay kusime Ra’isul- wasaare, taasoo aan shuruucda Dalka meelna kaga qornayn. Madashu waxay u aragtaa inay tahay masuuliyad darro iyo kali-talisnimo in Dalku xukuumad la’aan ahaado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina Madaxweynuhu gacantiisa kusoo aruuriyay isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dan shakhsiyadeed.” ayuu yiri qoraalka.

Halkan hoose ka aqriso:

11

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this