Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuddur: Wadaado Qur’aan akhris u socday oo Qarax ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool, ayaa ku warramaya in lix ruux ay ku geeriyoodeen, laba kalena ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay Duleedka Degmadaasi.

Miinada ayaa sida la xaqiijiyay ku qaraxday Mooto saddex lugooley ah, oo ay saarnaayeen 8 qof oo shacab ah, taas oo maraysay waddo dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Xuddur.

8-da qof oo dhammaantood ahaa wadaado Qur’aan akhris u socday, ayaa lix kamid ah ku geeriyootay Qaraxa, halka laba kalena ku dhaawacantay, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Degaanka.

Dadkii ku geeriyooday Qaraxaas, ayaa Saaka lagu aasay Tuulada Banjinaay oo qiyaastii 15KM dhanka waqooyi ka xigta Xuddur, halka dhaawacana loo qaaday Xarumaha Caafimaadka Xuddur.

PUNTLAND POST

The post Xuddur: Wadaado Qur’aan akhris u socday oo Qarax ku dhintay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this