Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tuko-raq)-Koox uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug oo la magac baxday dib u xoreynta (SSC) ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidammada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.

Ciidamada Falaalug ayaa weerar ku qaaday saldhigaasi oo ku yaalla deegaanka Xagarrey oo ka tirsan degmada Tukuraq ee gobolkaasi, kaasi oo ay ku suganaayen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa qaranka Somaliland.

Weerarkaasi ayaa waxa iska caabin xooggan kala hortagay ciidammadii ku sugnaa saldhigaasi, taasi oo keentay in iska hor imaad saacado kooban ah uu dhex-maro ciidammada Somaliland iyo kuwa jabhada Falaalug.

Dagaalkaasi ayaa waxa ka dhashay khasaaro labada dhinac ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegeen, inkasta oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah.

Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Mana aha markii u horeysay ee Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadan saldhigyada ciidammad qaranka Somaliland, iyada oo marar hore oo dhowr ah ay sidan oo kale u weerareen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this