Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo wada-hadallada dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Danjire Donald Yamamoto ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ku boggaadiyay sida uu u raadinayo dib u heshiisiin wadajir ah oo loo dhan yahay, islamarkaana lagu gaarayo hannaan Doorasho oo waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale Waare oo qoraal soo saaray ayaa Donald Yamamoto iyo dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ballaaran ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dammaadka sanadkaan iyo kan xiga.

Si kastaba Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayay Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo kulamada looga hadlay xaaladda dalka iyo arrinta doorashada

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this