Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney ay horey u afduubteen Al-Shabaab oo xil sare looga magacaabay Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga ayaa loo magacaabay danjiraha qaaradda Yurub ee la dagaalanka Islaam naceybka, sida ay maanta shaacisay Jariirada afka dheer ee La Repubblica.

Haweeneydan oo ay horey Al-Shabaab uga soo afduubteen gudaha dalka Kenya, islamarkaana muddo ku heystay Soomaaliya ayaa qaadatay Diinta Islaamka waxaana ay la baxday magaca Caa’asho, iyadoo marka la sii daayey dib ugu noqotay dalkeeda.

Silvia Romano ayaa haatan wixii ka dambeeya ka qeyb-qaadan doonto mashruuc uu ururka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka.

Sidoo kale waxa ay la shaqeyn doontaa ururada Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto oo iyana u xil-saaran arrimahaasi.

Mashruucaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu magacaabaa YES, iyadoo lagu taageerayo dadka la kulma dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan ee caalamka.

Silvia Romano ayaa ololaheeda ka bilaabi doonto gudaha magaalada ay ku nooshahay ee Milan ee dalka Talyaaniga, waxayna gaarsiin doontaa dhammaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

The post Haweeney ay horey u afduubteen Al-Shabaab oo xil sare looga magacaabay Yurub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this