Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamada Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal oo digniin u jeediyay Suxufiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, Sheekh Cabdinuur Jaamac Xuseen, oo hadal kooban Warbaahinta u jeediyay, ayaa Suxufiyiinta uga digay in aysan ka hordhicin kiisaska Maxkamadda ka socda ee aan weli go’aan kama dambays ah laga gaarin.

Guddoomiye Cabdinuur, wuxuu sheegay  in cid kasta oo aan ku qancin Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal laga doonayo in ay Rafcaan ka qaadato go’aanka Maxkamadda, halkii ay Warbaahinta ka cambaarayn lahayd.

Sidoo kale, wuxuu Suxufiyiinta uga digay tebinta wararka been abuurka ah oo dhaawacaya sumcadda iyo sharafta bulshada, islamarkaana abuuri kara colaad iyo isku dhacyo halis gelin kara Amniga Guud iyo Xasiloonida.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Maxkamada Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal oo digniin u jeediyay Suxufiyiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this