Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wada-tashiga Muqdisho oo markale dib u dhacay + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxa ay ballantu aheyd inuu maanta si rasmi u billowdo, balse waxaa dib u dhaca loo sababeeyey safarada ay u baxeen Qoor-Qoor Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku laabtay Kismaayo, kadib qarax ka dhacay magaaladaasi, halka hoggaamiyaha Galmudug uu safar deg-deg ah ugu baxay Kenya.

Shirka wada-tashiga Muqdisho oo daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this