Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Brazil oo lagu dilay fallaadh

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Brazil oo lagu dilay fallaadh

Rieli Franciscato wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay ilaalinta qowmiyadaha ku nool kenta Amazon
Rieli Franciscato wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay ilaalinta qowmiyadaha ku nool kenta Amazon

Khabiir sare oo u dhashay Brazil oo si weyn ula socday xaaladda qabaa’ilka is go’doomiyay ee ku nool keynta Amazon ayaa waxaa xabadka kaga dhacday fallaar xilli uu ku sugnaa goob ay ku nool yihiin qabaa’illadaas.

Rieli Franciscato,oo 56 jir ahaa ayaa Arbacadii ku geeriyooday deegaan miyi ah oo ku yaalla gobolka Rondônia ee waqooy galbeed Brazil.

Wuxuuna deegaanka u joogay in uu soo kormeero qabaa’iilka ku nool keyntaas, wuxuu ka tirsanaa laanta dowladda ee u qaabilsan ilaalinta dadkaas ee la yiraahdo Funai.

Ha’yad aan dowli aheyn oo uu aasaasay Mr Franciscato waxay ku tilmaantay in uu ahaa “qof waangsan oo dadaal badan oo howlkar ah”

Urur u ololeeyo ilaalinta deegaanka oo uu kamid ahaa dadkii aasaasay ninkan siddeetamaadkii wuxuu sheegay in qabaa’ilka ku nool keynta Amazon aysan laheyn awood ay ku kala saari karaan cadowgooda ama saaxibkooda.

Maxaa ku dhacay Mr Franciscato?

Dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in Franciscato iyo kooxdiisa lasoo weeraray markii ay ku ag dhawaadeen qabaa’ilka ku nool keynta.

Franciscato waxaa la socday booliska, wuxuu isku dayay in uu gabaad ka dhigto gaari yaalla goobta balse waxaa xabadka kaga dhacday fallaar ay soo ganeen, sida ay sheegayaan goob joogayaasha.

Map of Amazon area
1px transparent line

Sarkaal boolis ah oo la kulmay dhacdada ayaa sheegay in Franciscato ay u suurogashay in uu iska siibo fallaarta kaga dhacday wadnaha korkiisa.

“Waa uu ooyay, wuu iska siibay fallaarta, ilaa 50 miitar ayuu cararay kaddibna wuu dhacay” waxaa sidaas yiri sarkaalka booliska oo codkiisa lagu baahiyay baraha bulshada.

Weriye ku sugan gobolka Gabriel Uchida, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Mr Franciscato uu isku dayay xilligii uu dilka dhacayay in uu soo kormeero qabiilka la yiraahdo Cautario River oo ku nool keynta.

Wuxuu intaas ku daray in dadka ka tirsan qowmiyaddaas ay ahaayeen kuwo nabadda ilaaliyo balse haatan ay jiraan shan rag ah oo hubeysan oo qowmiyadda ka tirsan.

Sanadkii 2018-kii, John Allen Chau oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa fallaar ku dilay qowmiyad ku nool jasiiradaha Andaman iyo Nicobar ee dalka Hindiya.

Maxaa ka socdaa deegaanka?

Ha’yadaha u doodo xuquuqda qowmiyadaha ku nool keynta Amazon ayaa sheegay in Franciscato looga yeeray deegaanka kaddib nabaad guurka iyo xaalufinta lagu hayo deegaanka.

Waxaana sanadihii u dambeeyay xaalufin lagu hayay keymaha ku yaalla haalkaas, kooxda waxay sheegeysa in dilkiisa ay ‘jawaab u tahay cadaadiska lagu hayo dadka u ololeynayo ilaalinta deegaanka iyo dadka ku nool halkaas’

Qowmiyadaha ku nool keynta Amazon iyo dunida kaleba waxay ka falceliyaan dadka shisheeye ee duullaanka ku hayo dhulkooda.

Madaxweyne Bolsonaro ayaa lagu eedeeyay in uu wax ka qaban la'yahay xaalufinta lagu hayo keynta Amazon
Madaxweyne Bolsonaro ayaa lagu eedeeyay in uu wax ka qaban la’yahay xaalufinta lagu hayo keynta Amazon

Hogaamiyeyaasha deegaanka waxay sheegayaan in beeraleyda, dadka macddanta qodotada ah iyo kuwa alwaaxda gurto ay kusoo bateen deegaanka tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro sanadkii 2019-kii kaas oo ballan qaaday in uu wax ka qaban doono ilaalinta dhirta iyo bilicda keynta Amazon.

Dadka u ololeeyo ilaalinta deegaanka ayaa madaxweyne Bolsonaro iyo dowladdiisa ku eedeeyay inay joojiyeen dhaqaalihii la siin jiray ha’yadaha Funai iyo Ibama ee ka shaqeeyo ilaalinta keynta isla markaana uu indhaha ka dadatay dadka xaalufinta iyo nabaad guurka ku hayo keynta Amazon.

Amazon, waa keynta ugu weyn caalamka, waxaa ku nool 100 qowmiyadood oo is go’doomiyay, sida laga soo xigtay ha’yadda Survival International.

Ha’yadda Funai oo uu madax ka ahaa barnaamijkeeda ilaalinta qowmiyadaha ku nool keynta Amazon,” wuxuu naftiisa u huray badbaadinta dadkan, muddo 30 sano ah ayuu shaqadan ku jiray, wuxuu ka tegay taariikh dhaxal gal ah oo ku saabsan badbaadinta dadkan” waxaa hadalkaas sheegay sarkaal ka tirsan Funai oo la yiraahdo Ricardo Lopes Dias.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this