Deeq A. Posted September 10, 2020 Golaha wasiirrada xil-gaarsiin ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel mariyey hindise sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, hindise sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada. Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka musuq-maasuqa,heshiiska iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka oo guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.Golaha wasiirada xil-gaarsiin ayaa riditaankii Kheyre kadib meel mariyey sharci badan oo qaarkood ay ka horyimaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada xil-gaarsiin oo meel mariyey sharciyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites