Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu maanta kulan qado sharaf ah u sameeyey madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankan qado sharafeedka ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Islaan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “kulankan ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.” Qoraalka ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Shirka rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa baaqday ayada oo weli ay jirto in khilaafkii dowladda federaalka iyo Jubaland ee gobolka Gedo aan la xalin.

Sida aan xogta aan ku helnay, Jubaland ayaa dooneysa in la fuliyo qaar ka mid ah qodobadii ay horey u dalbatay ee dowladda ay ballan-qaaday ee la xiriiray gobolka Gedo, waxayna dooneysaa in dowladda ay qaado tallaabooyin muujinaya inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyadaas..

Wararka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo u dhaxeeya maamul goboleedyada oo aan weli la caddeyn waxa ay yihiin, waxaana la rumeysan yahay in maamul goboleedyada ay laba dhinac u kala safan yihiin.

Madaxda.jpg Madaxda-2.jpg 56A5644.jpg 56A5591.jpg 56A5595.jpg 56A5600.jpg 56A5602.jpg 56A5603.jpg 56A5611.jpg 56A5621.jpg

 

 

 

 

The post Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this