Sign in to follow this  
Deeq A.

“Meeyay Murashaxii Aad U Olalaynayseen? Wuxuu Seexday Salaadii Cishaha Kadib…” Qiso Caynaba Ku Dhex-martay Xisbiyadda KULMIYE Iyo WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Ambasaddor Axmed Aadan Dagaal (Safiina) horena uga tirsanaan jiray xukuumaddii Axmed Siilaanyo markii dambena ku biiray xisbiga WADDANI balse wakhtigan ah siyaasi madax bannaan ayaa waxa uu ka warramay dhacdo xiiso leh oo xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ku dhex martay Magaalada Caynaba wakhtigii ololaha tartanka Doorshada madaxtooyada sannadkii 2017.

Qoraal uu Axmed Safiina Arrintaasi kaga hadlayo oo uu ku bahiyay baraha Bulshada ayaa waxa ay u dhignayd sidan: “Meeyay Murashaxii Aad U Olalaynayseen? Wuxuu Seexday Salaadii Cishaha Kadib. Waa ciwaanka qiso nagu dhex martay Aniga iyo Wasiir kamida xukuumaddii Madaxwayne Siilayo wakhtigii ololaha magaalada Caynaba.

Maalmihii ololaha doorashada Somaliland annaga oo joogna Burco 2/11/2017 waxa aan hawl ugu baxay magaalada hargaysa 4-tii bisha waxa aanu u lahayn olalaha Gobalka Sool magaalada Caynaba waa dagmo doorasho kamida G/SOOL.

Waan kasoo laba noqday Hargaya Goor galabnimo ah ayaan ka soo baxay fiid markii aan soo gaadhay Burco sxb kay Abdulkadir Eidleh ayaa iga oo codsaday inaan soo qaado masuul xisbiga ah oo reer Oog ah iyo sxb kay Cawil Giriig oo aanu habeenkaa is baranay, waftigii iyo madaxdii xisbiga ee aan ka midka ahaa iyagu waxay ku sugnaayihiin magaalada OOG ee Barriga Caynab oo aan ku jihaysanahay.

Magaalada Caynaba ayaannu soo gaadhnay Saacaddu markii ay ahayd 1:00am xili saqdii dhexe ah, magaaladu way hurudaa oo waa jaaqla laakiin waxa laamiyada lugaynaya laba wasiir oo kamida xukuumaddii M.Siilaanyo, Hotelka isha Caynaba oo u Booking garaysnaa in xisbigu ku dago casarnimadii waxa awood dawladeed kula wareegay wafdigii Guddoomiye Muuse biixi oo Laasacaanood lagu soo rasaaseeyay subaxii,

Waxa aannu ku weecanay Hotelkii waxaaba hor taagan laba wasiir oo midi ahaa Maxamuud xaashi barxadda hotelka ayaanu gaadhiga dhiganay hadana barxadda waxa taagan sadex wasiir oo kale, Cawil Giriig ayaa hotelka gudaha u galay oo wuxuu ku soo arkay Group saxafiyiinka waftiga xisbiga Kulmiye la socday oo aad u shaqaynaya waxa kamid ahaa Alimahdi Jibril Hassan iyo Mohamed Yusuf Bakayle, kolay waxay macaanaynayeen karkarid kuwadeen wixii Kulmiye ka soo qabsaday laasacaanood baro-bugaandho iyo baalayo ayay afuufayeen Lol.

Waxa kale oo aan meesha ku arkay Wasiir aanu saaxiibbo ahayn kaftan wadaagna naga dhexeeyay waxa aan si kaftan ah ugu idhi: “waar dhamaan Wasiiradii Jeegaanta ee bahda Barriga waydinka saqda dhexe shaqaynayee maxaad waddaan maalintiinii ololuhu dhammaataye”, wuxuu sicad iigu yidhi ‘waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanay Caynaba ciddi bari idiinku soo bixi lahayn, waxa aan ku idhi bal waynu eegi oo MEEYAY MURASHAXII AAD U OLALAYNAYSEEN? wuxuu igu yidhi isagoo qoslaya, WUXUU SEEXDAY SALAADDII CISHAha KEDDIB.

Waannu ka sii dhaqaajinay oo waxaanu gaadhnay Magaalada OOG abaara 2:30 Habeenimo waxa aanu u tagnay guri camiran oo ay isku diyaarsadeen ku dhawaad 100 qof oo sugaya Maxamuud Xaashi oo meesha kula balansan markay maqleen guuxa laydhka gaadhigayga kasoo galay galbeed ayay moodeen inuu maxamuud u yimi keddib banaanka ayay u soo baxeen si ay u soo dhaweeyaan, Annagaaba kaga soo degnay, waxay ahaayeen beesha reer abtiga u ah Maxamuud Xaashi dhawr aanu garanay ayaanu meesha ku aragnay khudbad baanu meeshii ugu qabanay oo kulankii waanu kakala tuurnay ilaa 3:00 ayaanu la joognay, kadibna waxaanu tagnay Hotel kii ay degganaayeen waftiga WADDANI ee Oog, meel ka banaani majirto wuu buuxaa waxaanu iska seexanay barxad banaan oo ardaa ah.

Subaxii 7:30am ayaanu caynaba dhanka bari kasoo galnay markaa waxaanu nahay waftigii WADDANI oo dhan waxa na-hoggaaminayay Guddoomiye Cirro iyo Hoggaamiye Xirsi, waqtigaas magaaladiiba may soo kicin oo cidiba dhex mari mayso Hogaamiye Xirsi ayaan ku idhi sxb magaaladu inoo soo bixi mayso oo xalay Wasiiradii oo dhan ayaa dhex meeraysanayay, markaan intaa ku idhi waxa noo yimi Cabdi Salaad iyo laba dhalin yaro ah waxay noo kaxeeyeen xagaa iyo Hotelkii Caynaba.

Markii aanu soo galnay waxaanu ku kulannay waftigii Kulmiye oo diyaar u ah safar iyo inay baxaan laakiin waabay nala fadhiisteen waanu iska wada quraacanay, waxayna dhawrayeen waji gabaxa nagala kulmidoona Caynaba, ku dhawaad saacad kadib waxa huteel kii iskuweer ka qabtay kumanaan reer caynaba ah oo uu hor kacayo suldaanka guud ee Beelaha habar-jeclo inankiisa iyo Cabdi Salaad oo wata gawaadhi mikirifoono waaway ku xidhan yihiin oo ku dhawaaqaya Muusaa Yaabay Muusaa Yaabay, madaxdii Kulmiye ayaa qolalka ku yaacay anaguna dadkii baanu u soo baxnay, banaan baxaa wayni ee Reer Caynaba ku taageerayeen wuxuu keenay in Xisbiga Kulmiye sii laban-laabo dadaal kiisa dhanka Caynaba ilaa maalintii codaynta.

Al muhiim xisbiga kulmiya waanu ka dad iyo taageero badnayn laakiin waxay nagaga xariif sanaayeen 1- Nuxnuxda hoose, 2- Habeen shaqaynta 3- Isku muquuninta awoodaha dawlada iyo dhaqaala dawlada iyo 4- is xulufaysiga beelaha.

Qisadan cidna ku weerari maayo cid kalena ku difaaci maayo oo anigu hada siyaasadda Somaliland kama mid ihi labada xisbi midna xil uma hayo oo waxaan ahay shacab arday ah laakiin waxa aan u qoray in aan ka markhaati furo kalmado ka mid ahaa khudbaddii Siyaasi Maxamuud xaashi ee maanta. Alaa mahad leh”.

Qalinka: Axmed Safiina

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this