Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xisbiga KULMIYE Waxa Uu Noqday Sidii Kii Siyaad Barre Ee XHKS Oo Ninkii Xiniinyo Lehba Inta Sidaa Loo Eego La Qaniinayo” Abwaan Cismaan Kujare

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Kujare) oo hore uga mid ahaan jiray Abwaannada ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku canaantay is baddalka uu ku sameeyey iyo sida ay xaaladda Xisbiga KULMIYE tahay wakhtigan isaga oo ugu gooddiyay in haddii Madaxweyne Muuse xisbigii KULMIYE qaatay ay Iyana dagaal adag kula gali doonaan sidii ay siyaasadda ugu loollami lahaayeen isaga oo dhinaca kale eedo culus u soo jeediyay Cabdikariin Xinif iyo Xildhibaan Bukhaari.

Abwaan Kujare oo Telefishanka SAHAN TV la hadlayay waxa uu yidhi: “Xisbigii KULMIYE waad ogaydeen in uu noqday xisbi kalidii taliye ah oo la mid ah xisbigii Hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Siyaad Barre oo kale oo sidaa indhaha loo marinayo oo ninkii la is yidhaa xiniinyo ayaa ku jira la qaniinayo. Huteellada qaarkood waxa la hor dhigaa nin xoog weyn oo cuntada la siiyo oo albaabka hore la fadhiisiyo kaasi oo ninka sakhraama iyo ka ku dhex dagaalama iyo, ka lacagta bixin waayaba iyo wixii la mid ah buu qadaadka qabtaa oo dibadda u tuuraa. Nin aan arkayay oo ka mid ah kuwa jawaabta loo samaystay oo aad mooddo in loo samaystay siyaasiyiinta ka soo jeeda Bariga Burco oo marka uu mid ka mid ahi hadlo oo uu ka hadlo danta qaranka loo samaystay. Ninkaasi waa is garanayaaye waxaan leeyahay, marka xooggu kaa dhammaado in adna dibadda laguu soo tuurayo. Waa nin muruqyo go’an oo aad u xoog weyn ayaa isagana dibadda loo soo tuuraa. Isaga oo aad mooddo in wajiga makiinad lagaga jeexjeexay ayaa dibadda loo soo tuuraa kadibna waxa uu waayaa meel uu hadhaw tago waa is garanayaa ninkaasi. Maxamuud Xaashi iyo Qabo waxaan leeyahay soo dhawaada. Danta qaranka waxa aynu ka wada maraynaa dhinac. Waxa kale oo aan soo dhawaynaynaa kuwo badan oo kale oo Golaha Dhexe laga tuuri doono”.

Abwaan Cismaan Axmed Maxamed Kujare waxa uu eedo culus u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi, Siyaasi Xinif iyo Xildhibaan Bukhaari waxaanu yidhi: “Waxaan arkayay nin la yidhaa Xildhibaan Bukhaari oo ah dhagax la soo tuuray. Xiqdi iyo buqdi buu ka sheekeeyey, wax alliyaaliyo wax uu ka sheekeeyey ma jirto. Naxli calooshiisa ka guuxayay buu ka sheekeeyey. Hadalladiisa waxa ka mid ahaa ‘Muusaa tacab lahaa’. Nin weyn oo wajigiisa marka uu hadlayo aad arkayso in sharaf darro ka muuqato. Waynu wada ognahay in 7-dii nin ee xisbiga aasaasay uu ka mid ahaa siyaasi Maxamuud Xaashi ee Siilaanyo warqadda diiwaan galinta la geeyey tan iyo xilligaasina uu xisbiga ku soo jiray. Shaqada uu xisbiga ka qabtayna Bukhaari meel uu ka soo galay garan mayo. Bukhaari jawaab ma mudna. Waxaad mooddaa in uu farriin u diranayay Muuse Biixi. Malaha waxa uu maqlay xildhibaano hore ayaa wasiirro loo qaatay oo laga dhigay. Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay Muusoow haddii aad xisbigii la wareegtay Xiniinyihii lamaad wareegin. Kuwii aanu kugu dhisnay way nagu jiraan waanan kugu ridi doonaa Insha Allaahu. Xammil hadalka muusow rag waa kii xisaabtama’e”. Ayuu yidhi Abwaan Kujare.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this