Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo hubeysan iyo u jeedada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ee Africaintelligence.com oo wax ka qora arrimaha sirdoonka ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray qorshe ay dowladda Mareykanka ka damacsan tahay Somalia, si ay isugu ballaariso.

Warbixinta wargeyska oo ciwaan looga dhigay “Washington waxa ay diyaarinaysaa ciidamo Soomaali ah, oo sanka ka gala Turkiga” ayaa waxaa lagu sheegay in haatan Maraykanka uu diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo hubeysan, kuwaas oo ka mid noqon doono ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale warbixinta ayaa sheegeysa in ujeedada uu Mareykanka  arrintan ka leeyahay ay tahay inuu  hoos u dhigo saamaynta dowladda Turkiga ee ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tabaraban ee loo yaqaano Kumaandooska Danab.

Africaintelligence.com ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in xukuumadda Washington ay haatan qorsheyneyso in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku wareejiso ku dhowaad 100 gaadiidka fud-fudud ah iyo kuwa loo adeegsado dagaalka.

Arrintan ayaa waxaa la rumaysan yahay inay dhaqaalo ku bixinayaan wadamo Carbeed oo si weyn uga soo horjeeda saamenta Turkiga iyo Qatar ee Afrika, gaar ahaan Somalia.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo kooban ay ka joogaan gudaha dalka, halka Turkiga uu yahay saaxibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oona saldhig ballaaran oo lagu tababaro ciidamada Xoogga dalka ku leh magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kasabta shalay ayey aheyd markii wafdi ka socday dowladda Mareykanka gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Africom ay soo gaareen Caasimadda, iyagoo kulan gaar ah gudaha garoonka Aadan Cade kula qaatay Madaxweyne Farmaajo.

The post Mareykanka oo diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo hubeysan iyo u jeedada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this