Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kulan la qaatay wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinaya la-taliyihiisa arrimaha doorashada iyo amniga, halka wafdiguna ay ka koobnaayeen xubno isugu jira wasaaradda difaaca dalkaasi iyo taliska Qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha AFRICOM oo faah faahin ka siiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Taliyaha ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ciidamada Mareykanka ay sii xoojin doonaan howl-galladooda, islamarkaana ay taageeri doonaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulankan lagu soo qaaday walaaca safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka muujisay musuq- maasuq la sheegay in lagu sameeyo howlaha la xiriira dib u habeynta amniga.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada, sidoo kalena wuxuu duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this