Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka wada-tashiga Baydhabo oo si rasmi ah u furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka furmay shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah shirka u daah-furay, waxaana goobjoog ah Qoor Qoor iyo Waare.

Shirkan ah oo mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka la soo xiro isla maanta, kadibna waxaa saddex madaxweyne ee Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay soo aadi doonaan Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana sii badanaya shirarka gaar gaarka ah ee ka dhacaya gudaha dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119026869_657374081565899_16404549273034 119063941_657374261565881_15940124221881 119021603_657374184899222_29954643105578

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this