Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdiga Maraykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Maraykanka.jpg?resize=960%2C638&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula kulmay wefdi ka socday Dowladda Maraykanka oo saaka soo gaaray Muqdisho

Wefdiga oo ka koobnaa Waaxda Arrimaha Dibadda, Taliska AFRICOM iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka, ayaa ka soo kicitimay Caasimadda Jabuuti oo fadhigoodu yahay.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa kulanka ku weheliyay La-taliyaashiisa dhanka Amniga iyo Arrimaha Doorashada, waxaana looga hadlay Arrimaha Ammaanka iyo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaanna Doorashada soo socota.

Socdaalka wefdiga, ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Dowladda Maraykanku walaac xooggan ka muujisay musuq maasuq baahsan, oo sida ay sheegtay ka jira Hanaanka Dib u-habaynta Ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay taageeraysay Barnaamijka Dib u-habaynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaanna Kumaandooska DANAB.

Waxaase maalmahan soo baxayay warar sheegaya in musus maasuq ba’an lagu sameeyay Hannaanka Dib u-habaynta Ciidamada Dowladda Federaalka, taasi oo halis gelin karta taageerada Maraykanku siiyo Ciidamada.

PUNTLAND POST

The post Ma maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdiga Maraykanka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this