Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Farmaajo iyo wafdi ka socda Mareykanka oo kulan ku leh Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socda dowladda Mareykanka  oo haatan ka socda gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinayo, la-taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Sidoo kale wafdiga culus ee ka socda Mareykanka ayaa isugu jiro xubno kala tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka iyo taliska ciidamada AFRICOM ee Qaaradda Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu daba socda walaaca safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musu- maasuq la sheegay in lagu sameeyo howlaha la xiriira dib u habeynta amniga, iyadoona arrimahaasi ay si weyn uga digay safaaraddu.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa taageerada Soomaaliya ee Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha caawiyo dowlad federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay fulisaa howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

The post MW Farmaajo iyo wafdi ka socda Mareykanka oo kulan ku leh Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this