Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga gobolka Jubbada Hoose waxey ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Kumaandooska Danab ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Dhisheeg-waamo,Maroodi-gubow iyo Dhaay unbow oo qiyaasti 75-km u jirta magaalada Kismaayo.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Kumaandooska Soomaliya ay u daateen Saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen degaanadaasi.

Maalin ayaa sheegay in ciidamada Danab ay Howlgalka ku dileen labo sarkaal  iyo 11 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this