Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Xunbaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagallanka Musuq-maasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen sagaal (9) xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.

unnamed-6-1024x683.jpg

Qodobka 111aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda.

unnamed-4-1024x683.jpg

Xubnaha guddiga oo lagu soo xulay aqoon, waayo-aragnimo, karti, hufnaan iyo amaano ayaa kala ah: Mudane Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar, Mudane Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

unnamed-5-1024x683.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta glohu meel mariyay loo gudbinayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

unnamed-3-1024x683.jpg

Daawo Wixii Ka Soo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this