Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo kulan deg-deg ah maanta yeelanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ee sida KMG-ka xil-ka u sii haya ayaa saacadaha soo socda kulan aan caadi aheyn ku leh magaalada Muqdisho.

Kulanka oo mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu war-gliyey dhammaan xubnaha golaha wasiirada, kaddib farriimo kala duwan oo loo diray xalay iyo saaka.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo dhici doono saacadaha soo socda, balse lama oga waxyaabaha looga hadli doono.

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay inay suura-gal tahay in go’aano adag laga soo saaro shirkaasi, kuwaas oo la xiriira xaalada adag ee dalka.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka jiray dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogan, kadib markii ay soo gaareen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxda caasimadda joogta inay ku sii biiraan hoggaamiyeyaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, iyo Galmudug.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, balse waxaa la filayaa in shirka Muqdisho go’aano mideysan looga gaaro arrimaha doorashada ee 20/21.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this