Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo baaris ku billowday mas’uuliyiin loo heysto musuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Sheekh Cusmaan oo ah xeer ilaaliyaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubnaland ayaa shaaciyey inay baaris ku bilaabeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, kuwaas oo loo heysto inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq iyo wax isdaba-marin.

Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa sheegay in aysan jirin cid ka weyn sharciga, isla markaana Xafiiskooda uu bilaabay baaritaannada la xiriira dad galay dambiyo kala duwan haba ugu badnaadaan kuwa la xiriira musuq maasuq.

 Sidoo kale wuxuu tilmaamau in ay muhiim tahay in Hay’adaha garsoorka Jubbaland ay bilaabaan dacwad qaadista dadka loo heysto dambiyada kala duwan, sida kuwa madaniga ah iyo kuwo kale si cadaalad loo helo.

“Xafiiska Xeer ilaalinta waxa uu dabagal ku wadaa dambiyo badan oo Musuq ah oo ka dhacay Dowlad Goboleedka Jubbaland, meel wanaagsan ayay baarista inoo mareysaa, waxaana rajeyneenaa in aan cadaaladda horgeyno madaxda iyo xubnaha kala duwan ee isdabamarinta sameysay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guyd ee maamulka Jubbaland.

Ma shaacin xeer ilaaliyuhu magacyada mas’uuliyiinta ay baarista musuq maasuq ku bilaabeen, hayeeshee wuxuu cadeeyay inay wadaan howlaha baarista ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this