Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay G/ Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada oo sidoo kale ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamadu ay ka fuliyeen inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Lambar 50 ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadaasi ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this