Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye lagu dilay Beledweyne iyo kooxdii dishay oo weerar kala kulantay booliska

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasmada Online)-Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu dhex dilay gudoomiyahii deegaanka Hees, Cabdullaahi Bilig.

Koox hubeysan ayaa marxuumka ku dishay xaafadda Xaawa-Taako ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo mid laga dilay qaarna fakaday, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Ciidamada booliska ee ka howl gala Beledweyne ayaa durbadiiba gaaray goota uu dilku ka dhacay, waxaana halkaas ka bilaawday iska hor imaad dhex maray ciidamada iyo kooxda.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa laga dilay kooxdii hubeysneed ee dishay guddoomiyaha, waxayna ku dagaalamayaan bambo gacmeedyo iyo qoryaha fudud, ciidamada ayaana weli xaafadda Xaawa-taako ka wada howlgalo lagu baacsanayo kooxdaas, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka degmada Beledweyne.

Deegaanka Hees ee uu guddoomiyaha ka ahaa marxuumka la dilay ayaa hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Laamaha ammaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dilkaas iyo iska hor imaadkii ka dambeeyey ee ka dhacay xaafadda Xaawa-taako oo ka tirsan xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

The post Guddoomiye lagu dilay Beledweyne iyo kooxdii dishay oo weerar kala kulantay booliska first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this