Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuu ahaa askarigii rasaasta ku furay ninkii madowga ahaa ee xiisadda xoogan dhaliyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenosha (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay magaca askarigii dhabarka ka toogtay ninkii madowga ahaa Axaddii la soo dhaafay, taasi oo horseedday dibadbaxyo rabshada wata.

Josh Kaul ayaa weriyaasha u sheegay in Rusten Sheskey uu dhabarka kaga dhuftay toddobo xabadood isagoo sii furaya albaabka gaarigiiisa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in saraakisha booliska ay mindi ka dhex-heleen gaariga Jacob balse aysan jirin hub kale oo laga helay gaariigiisa.

Toogashada ayaa sababtay mowjado dibadbaxyo rabshada wata ah maalmihii la soo dhaafay.

Talaadadii laba qof ayaa dhintay halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray kaddib markii ay mudaaharaadyada sii xoogeysteen.

Mr Blake ayaa haatan ku jira isbitaalka, waxaana lagu soo warramayaa inuusan haatan koomo ku jirin balse qareennadiisa ayaa ka cabsi qaba iney “mucjiso” un noqon doonto haddii uu dib cagihiisa ugu socdo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ciidamo heer federaal u diray magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin, ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in halkaasi ay ka socdaan dhac, rabshado iyo kala dambeyn la’aan.

Waaxda cadaaladda ayaa furtay baaritaan heer federaal ah oo la xiriira toogashada. ilaa Laba boqol oo ka tirsan FBI ayaa loo diray magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin.

Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.

The post Yuu ahaa askarigii rasaasta ku furay ninkii madowga ahaa ee xiisadda xoogan dhaliyay? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this